10 Qodob oo sharci ahaan iyo Siyaasad ahaanba u taageeraya Go’aanka DDS ee ku Aadan Canfarta.

1. Deegaanada Canfarta lagu wareejiyay laguma salaynin Afti dadweyne, taas oo qasab ka dhigi lahayd in soo ceshashadana loomaro afti shacab oo kali ah.

2. Waqtigan la joogo dadka deeganadaasi degan raali kuma ahan kasii mid ahaanshada deegaanka Canfarta. Mana jirto cid ku qasbi karta wax ayna doonaynin.

3. Canfartu imminka si buuxda umaba maamusho oo hay’adaha dawladooda deegaanadaasi kamaba shaqo galaan shacabkana xidhiidh wanaagsan lama lahan.

4. Dawlada Federaalkii markii horeba goob joog unbay ka ahayde, ma jirin wax xeer ah oo ay hay’adaha Federaalku (Golaha Wakiilada iyo Wasiiradaba) fulinteeda u xilsaarnaayeen, sidaasi aawadeed ma jirto sabab ay DDS ugu qasbi karto dhaqan gelinta heshiishkaas aan awalba sharciga loo marin.

5. Sida muuqata deeganadaas iyo dadkuba DDS ayay kamid ahaayeen asal ahaan ee maamuladii markaa jiray unbaa go’aansaday oo xal u arkay in ay dhanka Canfarta raaciyaan ee ma ahayn dad Canfar ah oo Deegaankoodii dib loogu celiyay, Itoobiyana Qawmiyad baa wax lagu qiimeeyaa oo dadku isu racaan.

6. Ma jirto habayaraatee wax mashaariic mug leh ah oo ay dawladu Canfartu ka fulisay deegaanadaas, taas oo ka hor immaanaysa xuquuqdii ay dadkaasi lahaayeen ayna ahayd in loo dhawro oo il gooni ah lagu eego.

7. Intii uu isbedelku dhacay dawlada federaalku qudheedu waxa ay kanoqotay heshiishyo iyo sharciyo badan oo ay ansixisay amaba gashay xukuumadii ka horeeysay ee TPLF-tu gadh-wadeenka ka ahayd taas deegaankana uu kaga tusaale qaadan karo ka laabashada heshiishyada ama sharciyada qaarkood ee ay meel marisay amaba guddoonsatay xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar ee laga takhalusay, islamarkaana lagu eedaynayo in ayna u taagnayn danaha shacabka Soomaaliyeed.

8. Goleyaasha deegaanka ayaa leh awoodda kama danbaysta ah ee masiirka shacabka deegaanka (Ilaa iyo aayakatashiga) waxii ay iyaga iyo shacabkoodu isku waafaqaan uun baana ansax ah, dawlada federaal kuna ku gowracantahay.

9. Ka sokoow deegaanadii la hoos geeyay ,Ciidamada canfartu waxa ay gudaha usoo galeen oo dhib ka geeysteen gudaha DDS iyo goobo aanan laguma muransanayn taas oo ka hor imaanaysa shuruucda dalka iyo kuwa dawlad deegaanadaba.

10. Dhawaan waxaa la qabtay shir iyo wada xaajood labada dhinacba ah oo ay Dawlada federaalkuna goob joog ka ahayd laguna go’aamiyay in colaada lasoo afjaro oo aanay dhib danbe dhicin, nasiib darose Canfartu dagaalkoodii bay sii wadeen oo xitaa Hay’ado samafal iyo shaqaalahoodii bay waxyeeleeyeen.

Marka ay arini sidaa tahay; Dawladda Federaalka iyo Canfartu laba arimood unbay midi yeeli karaan:

1. In labadooduba ay garwaaqsadaan saxnimada go’aanka DDS oo ay si sharaf leh ugu howlgalaan sidii dadkaas loogu soo celin lahaa dadkoodii iyo deegaankoodii.

2. In dawlada federaalku qaadato go’aan dhex-dhexaad ah oo ay la wareegto amniga iyo maamulka deeganadaas inta laga qabanayo afti dadweyne oo shacabku ay iyagu meesha ay doonayaan ka raacayaan.

Waxii intaa kasoo hadha waa un i jiid aan ku jiidee, waxaana muhiim ah in maadaama sharci ahaan aan anagu guusha kutaaganahay in waxii farsamo iyo diblomaasiyad ahna aan kudadaalno oo dadka howlahaas ku xeel dheer ay u howlgalaan sidii howshaas looga midho dhalin lahaa aana ka fogaano wax kasta oo fursad u noqon kara dhinaca aynu is hayno.

– Cabdulrazaaq Macalin Cilmi.